Trump oo wada qorshe uu ciidamada Mareykanka uga saarayo Soomaaliya

Madxweyne Trump. [Sawir Hore]
Washington-(Puntland Mirror) Madaxweyne Donald Trump ayaa la taliyeyaashiisa u sheegay in uu doonayo in ciidamada Mareykanka uu ka saaro Soomaaliya, sida ilo-wareedyo ka ag dhow ay u sheegeen warbaahinta Bloomberg, taasoo qeyb ka ah balanqaadkiisii ahaa in ciidamada Mareykanka uu dalka dib ugu soo celin doono.

Gaashaandhiga Mareykanka ayaa bilaabay qorsheyaasha qabyada ah ee Madxweynaha, waxaana wadaxaajoodyada ku lug lahaa La Taliya Amniga Qaranka Mareykanka Robert O’Brien, Xoghayaha Difaaca Mark Esper iyo masuuliyiin kale, sida ilo-wareedyadu ay u sheegeen Bloomberg.

Mareykanka ayaa 650 ilaa 800 askari ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, sida ay sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika, kuwaasoo ay kamidyihiin ciidamo gaar ah oo taageero dhanka tabobarka ah siiya ciidanka Soomaaliya. Inta badan ciidankan ayaa la geeyay Soomaaliya intii Trump uu ahaa Madxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareysi Khadka taleefoonka ah ugu sheegay Bloomberg in uu jecelyahay in ciidamada Mareykanka ay joogaan, isaga oo intaas ku daray in uu aaminsanyahay in dalkiisa oo caawimaad ka helaya Mareykanka ay keenayso in laga adkaado maleeshiyada Al-Shabaab.

“Runtii waanu bogaadinaynaa taageerada Mareykanka, waxaana ku qanacsanahay waxa Mareykanku ay qabteen, waana jeclaan lahayn in aan aragno in ciidamada ay sii joogaan ilaa shaqadu boqolkiiba boqol dhammaato,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Trump ayaa bilaabay bartamihii 2017-ka in uu ciidamo badan u diro Soomaaliya taasoo qeyb ka ah dadaalada la dagaalanka argagixisada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*