Haayada Amnesty International oo sheegtay in dad rayid ah lagu dilay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka. [Xigashada Sawirka: Getty Images]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Haayada Amnesty International ayaa sheegtay in duqeymaha Mareykanka lagu dilay dad rayid ah, taasoo macquul ah in ay jirto xadgudub dhanka sharciga aadanaha ah.

Warbixin ay ciwaan uga dhigtay “dagaalka qarsoon Mareykanka ee Soomaaliya”, ayaa haayadu ku sheegtay in ay diiwaangelisay 14 dhimasho rayid ah oo ku waxyeeloobay shan duqeymood oo dhawaan ka dhacay deegaanada ay Al-Shabaab maamusho.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymihiisa dhanka circa ah ee gudaha Soomaaliya, isaga oo qaaday 110 weerar labadii sanno ee u dambeysay.

Amnesty International ayaa sheegtay in dad ka badan 800 qof lagu dilay duqeymaha, kuwaasoo aan ahayn shacab.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa qaadacay eedaas iyaga oo sheegay in ay mar walba ka taxadaraan dhimashada dadka rayidka ah, waxayna ku adkeysteen in khasaaraha keliya ee ka dhashay duqeymahooda ay soo gaarto argagixisada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*