Madaxweyne Farmaajo oo yimid Garoowe si uu uga qeybgalo caleemo-saarka madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Madaxweynaha Soomaaliya Mxamed Cabdullaahi Farmaajo soo dhaweynaya, January 26, 2019. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah yimid magaalada Garoowe si uu uga qeybgalo munaasabada caleemo-saarka madaxweynaha Puntland.

Waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland, masuuliyiin katirsan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, iyo boqolaal shacab ah.

Waa markii labaad oo Madaxweyne Farmaajo uu safar ku yimaado Puntland tan iyo markii la doortay bishii Febaraayo 2017.

Munaasabada caleemo-saarka madaxweynaha Puntland ayaa galabta ka bilaabmi doonta magaalada Garoowe, halkaasoo ay ku suganyihiin madaweynayaal hore ee Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada, wasiiro iyo xildhibaano ka socda dowladda federaalka, siyaasiyiin, wakiilo ka socda ururada bulshada, iyo marti sharaf kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*