Cutubyo ka socda ciidamada AMISOM oo la geeyay magaalada Cadaado

au
Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM). [Sawirka: Sonna]
Cadaado-(Puntland Mirror) Cutubyo kamid ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ayaa gaaray magaalada Cadaado ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Galmudug, sida ay tebisay wakaalada wararka dowlada federaalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Sida ilo-wareedyo ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror ciidamada ayaa lagu qiyaasayaa ilaa dhowr boqol kuwaasoo kasoo jeeda dalalka Jabuuti iyo Burundi oo qayb ka ah howlgalka AMISOM.

Bayaan kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamadaas halkaas loo geeyay si ay u ilaaliyaan inta lagu guda jiro doorashooyinka soo xulida baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastoo ay ahaataba, imaanshaha ciidamada AMISOM ee magaalada Cadaado ayaa sii kordhin karta xiisada u dhaxaysa Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo dagaalo ku dhexmareen magaalada Gaalkacyo asbuucyadii lasoo dhaafay.

Horey, dowlada Puntland ayaa ugu eedaysay dowlada federaalka Soomaaliya in ay hurinayso xiisada gobolka Mudug, Puntland ayaa sheegtay in ay qabatay dhowr kamid ah ciidamada sirdoonka Soomaaliya ee NISA kuwaasoo loo soo diray in ay ka bar-bar dagaalamaan maleeshiyada Galmudug ee kasoo horjeeda ciidamada Puntland.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*