Tirinta codadka doorashada madaxtinimada Somaliland oo socota

Sawirka: Haweenay reer Somaliland oo codkeeda dhiinabaysa doorashadii dhacday 13 November, 2017.

Hargeysa-(Puntland Mirror) Tirinta codadka ayaa ka socota Somaliland kadib markii shalay oo Isniin ahayd ay qabsoontay doorashada madaxtinimada.

Saddex musharax ayaa u tartamaya in ay badalaan madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”, oo xafiiska qabtay sanadkii 2010.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi “Ciro” ayaa ka socda xisbiga Wadani, musharax Faysal Cali Waraabe ayaa isna ka socda xisbiga Ucid halka Muuse Biixi Cabdi uu ka socdo xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Guddiga Doorashada Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in codayntu ay ku dhacday qaab nabadgelyo ah, iyaga oo sheegay in hal dhacdo laga soo sheegay gobolka Togdheer halkaaas ooh al qof ku dhaawacmay kadib markii askari si aan kas ahayn xabad uga faro baxsaday.

Natiijada ugu dambeysa ee doorashada ayaa la filayaa in ay soo baxdo dhowr maalmood kadib.

Codaynta ayaa waxaa korka ka ilaalinayay ku dhawaad 60 kormeere oo ka yimid 27 dal kuwaasoo mushahaarkooda ay bixinayso Britain.

Kormeerayaasha oo qaaarkood warbaahinta la hadleen ayaa sheegay in ay maqleen xoogaa qalalaase ah, balse aysan badnayn.

Deegaano aysan doorasho ka dhicin

Somaliland ayaa sheegtay in ku dhawaad 700,000 oo ku kala nool todobo gobol ay isku diwaangeliyeen codbixinta, balse meelo ay Somaliland filaysay in doorasho ka dhacdo ayaysan ka qabsoomin.

Deegaanada Badhan, Dhahar, Laasqoray, Hadaaftimo, Buuhoodle ayaan wax doorasho ah ka dhicin kadib markii Puntland ay deegaanadaas u dirtay ciidamo asbuucii hore, iyaga oo Somaliland uga digay in ay sanaadiiqdooda doorashada geeyaan halkaas.

Labada maamul ayaa muddo sannooyin ah ku muransan gobolada Sool, Cayn, Sanaag iyo Hayland.

Somaliland oo kutaala waqooyi bari Soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka go’day sanadkii 1991, balse wax aqoonsi ah kama helin beesha caalamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*