Odayaal dhaqameed xal u raadinaya dagaalka Sool oo gaaray Hargeysa

Odayaasha dhaqanka koonfurta Soomaaliya oo gaaray Hargeysa. [Isha Sawirka: SLNTV]


Hargeysa-(Puntland Mirror) Odayaal dhaqameed ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah ka degay magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland.

Odayaasha oo ay dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ujeedkoodu yahay sidii ay u dhex-dhexaadin lahaayeen dagaalka gobolka Sool ee u dhaxeeya ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland, kuwaasoo dagaalamayay tan iyo bishii Febaraayo ee sanadkan 2023.

Dhawaan ayay odayaashu tageen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool halkaas oo ay ku soo arkeen dhibbaatada ay duqeymaha maamulka Somaliland ay u geysteen magaalada. Odayaasha ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay dhiggooda SSC-Khaatumo.

Maamulka Muuse Biixi Cabdi ayaa horey u diiday in odayaashu ay yimaadaan deegaankooda, balse aqbalaadooda ayaa muujinaysa dabac ku yimid go’aankoodii hore.

Dhinacyo kala duwan ayaa isku dayay in ay dhex-dhexaadin ka sameeyaan labada dhinac tan iyo intii dagaalka uu socday, balse laguma guulaysan. Dagaalka gobolka Sool ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan sida dhimasho in ka badan 100 qof oo shacab kuwaasoo ay haleeleen duqeymaha aan kala sooco lahayn ee ciidamada Somaliland, sida ay warbixin ay dhawaan soo saartay ku sheegtay haayada Amnesty International.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*