Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF oo sii wada howlgalka nadiifinta ah ee ka dhanka ah maleeshiyada ISIS ee gobolka Bari

Ciidamada gaashaaman ee PSF oo ku sugan meel kamid ah gobolka Bari [Sawirka Facebook/PSF]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF ayaa sii wada howglakooda nadiifinta ah eek a dhanka ah maleeshiyada ISIS kuwaasoo ku dhuumanaya gobolka Bari.

Qoraal ay boggooda Facebook-ka soo dhigeen, PSF ayaa sheegtay in ay weerarayeen meelaha ISIS joogto ee kuyaala buuraha Cal Miskaat iyo Cal Madow ee gobolka Bari tan iyo asbuucii lasoo dhaafay.

PSF ayaa bilowday howlgalkooda ka dhanka ah maleeshiyada asbuucii hore, kadib duqayntii Mareykanka eek a dhanka ahayd ISIS ee deegaanka Buqa ee gobolka Bari.

Ciidamada PSF ayaa intaas ku dartay in ay sii wadi doonaan howlgalka ilaa maleeshiyada laga soo afjarayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*