Xubnaha cusub ee guddiga doorashooyinka Puntland oo la dhaariyay

Xubnaha cusub ee guddiga oo lagu dhaariyay xafiiska madaxweynaha. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xubnaha cusub ee guddiga doorashooyinka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah la dhaariyay iyada oo uu goobjoog ahaa madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha oo dhaarta kadib hadal kooban jeediyay ayaa yiri: “Sharafweyn bay ii tahay inaan maanta goobjoog ka ahaado dhaartiina, waxay tusaale u tahay sida Dowladda Puntland ay uga go’antahay in dalkan marxalad doorasho uu galo, balanqaadkeena ayay ka mid ahayd, iyadoo hawlo farabadan ay dalka yaaliin, hadana wakhti aad u badan ayaan siinay sidii gudigan uu u dhismilahaa, waxaan marka ugu horaysa u mahadcelinayaa Guddoonka Baarlamaanka sida dastuurku uu qabey, iyagoo la-tashiyo sameeyey inay soo gudbiyaan xubnaha dastuurku uu u ogolaaday ee Afarta ah.”

“Sidoo kale Madaxtooyada la-tashi badan oo dhaafsiisan cidwalba oo waxgarad ah oo reer Puntland ah anagoo eegayney marxaladdan cusub dadka ku haboon, xeerinayneyna habka uu guddigani u shaqayn karo, la-tashigaa wakhti badan buunaga qaatay runtii.” Ayuu ku sii daray.

Xubnaha cusub ee guddiga doorashooyinka Puntland ee dhawaan lasoo dhisay ayaa ka kooban sagaal, shan kamid ah waxaa soo magacaabay madaxweynaha halka afarta kale ay soo xuleen baarlamaanku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*