Tiradda dhimashada qaraxyadii baabuurta ee ka dhacay Muqdisho oo gaartay 18 qof

Baabuurta gurmadka deg dega ah ee Aamiin oo qaadaya shacabka ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay meel u dhow madaxtooyada Muqdisho, 23 Febaraayo, 2018. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada dhimashada qaraxyadii baabuurta ee ka dhacay Muqdisho ayaa gaartay 18 qof, sida ay tebisay wakaalada wararka Reuters, oo soo xiganaysa saraakiil caafimaad.

“Ilaa iyo hadda waxaan qaadnay 18 qof oo dhintay iyo 20 kale oo ku dhaawacmay qaraxyadii caawa,” Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, oo ah madaxa baabuurta gurmadka deg dega ah ee Aamiin, ayaa sidaa u sheegay Reuters.

Saraakiil katirsan booliiska ayaa Reuters u sheegay in gaariga kowaad uu qarxay kadib markii maleeshiyo laga shakiyay ay soo jiireen bar kantarool kutaala meel u dhow xarunta madaxtooyada iyada oo toogtay ciidamo nabadgelyada katirsan oo ku sugnaa bar kantaroolka.

Qaraxa labaad ayaa ahaa qarax gaari oo la dhigay irida hore ee huteel, sida ay sheegtay Reuters.

Bilihii u dambeeyay, ma aysan jirin wax qaraxyo gaari ah oo ka dhacay caasimada, Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, afhayeenka milatariga, Cabdicasiis Abu Muscab ayaa u sheegay Reuters.

Kani waxa uu ahaa weerarkii ugu horeeyay ee Al-Shabaab ee ugu dhimashada badnaa sanadka 2018.

Al-Shabaab ayaa laga saaray magaalooyinka waa weyn ee koonfurta Soomaaliya, balse weli waxay Muqdisho ka geysataa weerarada khaarajinta ah iyo qaraxyada baaburta.

Bishii Oktoobar sanadkii 2017, in ka badan 500 qof ayaa lagu dilay kadib markii qof naftiis halige ah oo wada gaari weyn oo laga soo buuxshay walxaha qarxa uu ku qarxay isgoyska Zoobe ee Muqdisho, kaasoo noqonaya weerarkii argagixiso ee ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaan sheegan masuuliyada weerarkaas dhacay bishii Oktoobar, balse dowladda Soomaaliya ayaa ku eedaysay iyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*