Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cade oo u dhintay coronavirus

Nuur Xasan Xuseen. [Sawir Hore]
London-(Puntland Mirror) Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhintay isbitaal kuyaala magaalada London ee dalka UK, sida ay sheegeen qoyskiisu.

Nuur Xasan Xuseen oo qiyaastii 82 jir ah, ayaa ku jiray isbitaal maalmihii u dambeeyay kadib markii uu ku dhacay xanuunka coronavirus, oo maanta dhibbaato weyn ku haya dunida.

Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka uga tacsiyeeyay qoyskiisa geerida ku timid, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhiggay boggiisa Twitter-ka.

Nuur Xasan Xuseen oo loo yaqaan Nuur Cade ayaa soo noqday Raysulwasaaraha Dowladdii Federaalka Kumeerlgaarka ahayd ee Soomaaliya laga soo bilaabo sanadkii 2007 ilaa 2009.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*