Tirada guud ee dhimashada coronavirus ee Soomaaliya oo gaartay 23 qof

Goob lagu karaantiilo dad qaba coronavirus.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada guud ee dhimashada cudurka coronavirus ee Soomaaliya ayaa gaartay 23 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ay soo saartay gelinkii dambe ee Axada, ayaa wasaaraddu ku sheegtay in shan qof ay maanta xanuunka coronavirus u geeriyoodeen, sidoo kalena la helay 46 kiis oo cusub.

Shan kamid ah kiisaska cusub ee maanta ayaa laga helay Puntland, sida wasaaraddu ay sheegtay.

Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda diiwaangelisay 436 qof oo coronavirus ah, halka toban qof ay ka bogsadeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*