Wasaarada Cadaalada Puntland oo iclaamisay in maalinta Isniinta ay Ramadaan kow tahay

Garoowe-(Puntland Mirror) Wasaarada cadaalada Puntland ayaa sheegtay in berito ay tahay Ramadaan, sida uu sheegay wasiirka cadaalada.

Wasiirka cadaalada dowlada Puntland Saalax Xabiib oo caawa la hadlay taleefishinka dowlada Puntland ayaa sheegay in bisha laga arkay gobolka Shabeelaha Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasaarada diinta iyo awqaafta dowlada federaalka ee Soomaaliya ayaa Iyana iclaamisay in beri oo Isniin ah ay soon tahay.

Dowladaha ugu waa weyn Islaamka ee Caalamka sida Sucuudiga iyo Indunuusiya ayaa Iyana iclaamiyay in maalinta Isniinta ah ay tahay maalinta kowaad ee bisha barakaysan ee Ramadaan Kariim.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*