Xildhibaanada Puntland ku metela federaalka: Doorashooyinka 2024 waa in lagu galo hanaankii hore

Xubno kamid ah xildhibaanada federaalka oo ka qeybgalay fadhiga golaha baarlamanaka Puntland. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Xubnaha Puntland ku metela aqalka hoose iyo aqalka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah soo saaray war-saxaafadeed ay golaha baarlamaanka Puntland ugu jeediyeen in ay joojiyaan wax ka bedelka dastuurka.

Xubnaha ayaa sidoo kale sheegay in xukuumada hadda jirta aysan wakhti ay ku qaban karto doorasho hal qof iyo hal cod, sidaas awgeed doorashooyinka 2024 lagu galo hanaankii hore ee xildhibaanada ay soo xuli jireen odayaasha dhaqanka.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen il la qabto doorashada goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo ee gobolka Nugaal, kuwaasoo aan weli la qaban tan iyo 25-kii May oo gobolada kale ee Puntland laga qabtay.

Waxay intaas ku dareen in soo-jeedintooda ay ku salaysantahay kadib la tashi ay la sameeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*