Soomaaliya: 62 kiis oo cusub oo coronavirus ah iyo labo dhimasho ah

Coronavirus.

Muqdisho-(Puntland Mirror) 62 kiis oo cusub oo coronavirus ah ayaa laga helay Soomaaliya maanta, sida ay war-saxaafadeed ku sheegtay wasaaradda caafimaadka galabta oo Sabti ah.

Labo qof ayaa maanta u geeriyooday xanuunka, sida ay wasaaradda caafimaadka sheegtay.

Sida ku cad war-saxaafadeedka wasaaradda, tirada coronavirus ee Soomaaliya laga diiwaangeliyay ayaa gaartay 390 qof, halka dhimashadu ay kor ugu kacday 18 qof.

Soomaaliya oo kiiskeedii ugu horeeyay ee COVID-19 heshay 16-kii Maarso ayaa xanuunku si tar-tartiib ah ugu fidayaa dalka, oo nidaamkiisa caafimaad uu aad u liito.

Xanuunka ayaa sidoo kale saameyn dhaqaale oo balaaran ku yeeshay dalka oo ka soo kabanaya sannooyin bur-bur iyo colaado ah.

Khamiistii, wareysi uu wasiirka maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle siiyay BBC Somali ayuu ku sheegay in khasaare dhaqaale oo dhan 40% uu sababay coronavirus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*