Tirada dhimashada weerarkii huteel Boosh ee Muqdisho oo gaartay 19 qof

Tirada dhimashada weerarkii huteel Boosh ee Muqdisho oo gaartay 19 qof. [Xigashada Sawirkat: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada dhimashada qaraxii gaariga ee lala eegtay huteel Boosh ee Muqdisho shalay oo Arbaco ahayd, ayaa gaartay 19 qof, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad.

Shan dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab kuwaas oo weeraray huteelka kadib markii uu qarxay gaarigu, ayaa kamid ahaa kuwa lagu dilay weerarka oo socday ilaa subaxnimadii hore ee maanta oo Khamiis ah.

In ka badan 20 qof oo kale ayaa ku dhaawacantay weerarka, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Intooda badan dadka waxyeeloobay ayaa ah dad shacab ah.

Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegay in ay iyagu ka dambeeyaan weerarka, sida afhayeenka howlgalada militariga ee Al-Shabaab, Cabdicasiis Abu Muscab uu u sheegay idaacada Al-Shabaab ee Al Andalus.

Weerarkii shalay ayaa dhacay iyada oo dowladu dadaal ugu jirto sidii loo adkeyn lahaa ammaanka caasimada.

Weerarkan ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa oo ka dhaca gudaha Muqdisho inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*