Madaxweyne Cabdiweli: Cali Khaliif waxaa ku dhacay xanuunka Stockholm syndrome

Abdiweli Mohamed Ali
Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. Sawirka: Puntland Mirror.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in Puntland aysan aqoonsanayn maamulka Khaatumo.

Madaxweynaha oo saxaafada kula hadlayay xarunta madaxtooyada maanta oo Arbaco ah ayaa ka hadlay wadahadal dhawaan u bilaabmay Khaatumo iyo Somaliland.

“Waxaan maqlaayay ninka la yiraahdo Cali Khaliif oo leh Somaliland baanu heshiis la galaynaa, Cali awalba qof shaqsi ah buu ahaa, maamul la yiraahdo Khaatumo anagu oo aan aqoonsanahayna ma jiro,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli.

“Waxaa jira, runtii waxaan isleeyahay cudurka ku dhacay Cali waxaa weeye, cudur waxaa jira la yiraadhdo Stockholm Syndrome, waad taqaaniin baan umalaynayaa, waa cudur waxaa weeye qofka, qofka isaga dhibah buu marka dambe jeclaadaa, marka dee cararka uu hadba meel ka cararayay oo Somaliland cayrsanaysay ku jeclaadaan umalaynayaaye, waanu u ducaynaynaaye ha aado.” Ayuu ku daray.

Muxuu yahahy xanuunka Stockholm syndrome?

Bishii August sanadkii 1973-dii ayaa afar qof oo shaqaale ka ahaa banki la yiraahdo Sveriges Kreditbank oo kuyaala magaalada Stockholm ee caasimada dalka Sweden la afduubtay waxaana afduub ahaan loogu heystay qol kuyaala bankiga muddo ka baddan lix maalmood.

Mudaddii ay socotay howlgalka badbaadinta oo ay wadeen ciidamada booliiska ayaa waxaa isbartay dadkii wax afduubtay iyo kuwii afduubka loo haystay. Haweenay kamid ahayd dadkii afduubka loo haystay ayaa waxaa taleefoonka kula hadlay raysulwasaarihii xilligaas ee Sweden Olol Palme, haweenaydii ayaa Raysulwasaaraha u sheegtay in ay si buuxda u aaminsantahay afduubayaasha laakiin ay ka cabsi qabto in ay ku dhimato weerarka ay booliiska kusoo qaadeen dhismaha bankiga.

Tan iyo wixii intaas ka dambeeyay ayaa culumada dhanka maskaxda, markii ay ku arkaan astaamo muujinaya in qofka uusan aaminsanayn waxa u roon balse uu ka doorbido waxa u daran loo qaataa inuu qabo xanuunka (Stockholm syndrome).

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*