Madaxweynaha Soomaaliya oo beesha caalamka ka codsaday in ay ka qaadaan cunaqabataynta hubka ee saaran dalkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. [Xigashada Sawirka: Reuters]
London-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka codsaday in ay ka qaadaan cunaqabataynta hubka ee saaran dalkiisa sababtoo ah ciidamada Soomaaliya waxay u baahanyihiin hub badan si loo kordhiyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Isaga oo ka hadlayay maanta oo Khamiis ah shirka Soomaalida ee London lagu qabtay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa yiri: “Muddo aad u dheer, ciidamadayada iyo ururada argagixisada ayaa dagaalamayay iyaga oo ciidamadu isticmaalayeen hub fudud oo u badan qoriga AK47. Cunaqabataynta mudada dheer jirtay ee saaran Soomaaliya waa mid si xun u xadidaysa awoda aanu u leenahay in aanu helno hub culus,”

“Waxaa la joogaa wakhtigii Soomaaliya ay awood u yeelan lahayd in ay hesho hub ka tayo fiican kan argagixisada.” Ayuu ku daray.

Cunaqabataynta ayaa la saaray Soomaaliya sanadkii 1991 markii uu dalku galay dagaalka sokeeye.

Bishii lasoo dhaafay, Madaxweyne Farmaajo ayaa iclaamiyay guluf ka dhan ah Al-Shabaab.

Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa muddo sanado ah u dagaalamaysay si ay meesha uga saaraan dowladda uu caalamku taageersanyahay ee Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*