Qatar oo $20 milyan oo taageero miisaaniyadeed ah ugu deeqday Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo oo kulan kula yeeshay qasrigiisa Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Doha-(Puntland Mirror) Dalka Qatar ayaa Arbacadii sheegtay in ay taageero miisaaniyadeed siinayso Soomaaliya sanadka 2019.

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa qasrigiisa kulan kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, intii uu socday kulanku waxaa laga wada-xaajooday in kor loo qaado xiriirka labada dal iyada oo la iska kaashanayo dhinacyo kala duwan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska amiirka.

Amiirka ayaa amar ku bixiyay in 73 milyan oo Riyaalka Qatar ah oo u dhiganta $20 milyan oo dollar Mareykanka ah la siiyo Soomaaliya si loogu taageero miisaaniyadeeda 2019.

Taageerada maaliyadeed ayaa timid kadib markii madaxweyne Farmaajo uu asbuucaan safar ku tagay dalka qaniga ku ah gaaska ee Qatar. Waa safarkii saddexaad oo uu dalkaas ku tago tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2017.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*