Turkiga oo cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada Turkiga. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Ankara-(Puntland Mirror)Turkiga ayaa cambaareeyay labadii qarax ee gaari oo ka dhacay Muqdisho, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Turkiga.

“Waxaan u rajeynaynaa naxariista Rabbi kuwii ku waayay naftooda, waxaan tacsi u direynaa qoysaskii ay ka dhinteen dadkii ay jeclaayeen waxaana u rajeynaynaa dadka ku dhaawacmay in ay si deg deg ah u reystaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Turkigu  wuxuu sii wadi doonaa garab istaagiisa dowladda iyo dadka walaalaha ah ee Soomaaliya sidii loogu kici lahaa weerarada argagixisada ay ku bartilmaameedsanayaan xasiloonida Soomaaliya,” ayaa lagu sii daray bayaanka.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyooday labo qarax gaari oo ay Al-Shabaab ka geysatay Muqdisho xalay fiidkii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*