Tirada dhimashada oo gaartay 30 qof kadib qarax gaari oo ka dhacay banaanka hore ee dekada weyn ee Muqdisho

Tirada dhimashada oo gaartay 30 qof kadib qarax gaari oo ka dhacay banaanka hore ee dekada weyn ee Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Tirada dhimashada oo gaartay 30 qof kadib qarax gaari oo ka dhacay banaanka hore ee dekada weyn ee Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada dhimashada qaraxii gaariga ee ka dhacay dekada weyn ee Muqdisho ayaa gaartay 30 qof, badankood waxay ahaayeen shaqaale dekada ka howlgali jirey, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad.

Qaraxa ayaa dhacay kadib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay lagu qarxiyay albaab kuyaala duleedka dekada weyn ee Muqdisho saakay oo Axad ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sidoo kale maqlay rasaasta qoryaha kadib qaraxa.

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay ku sheegtay bayaan laga sii daayay idaacadooda, Radio Andalus.

Sabtidii shalay, ugu yaraan labo askari oo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ah ayaa ku dhimatay kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo ka dhacay kantarool kuyaala duleedka Muqdisho.

Maleeshiyada  Al-Shabaab ayaa boqolaal qof dishay sanadadii u dambeeyay, walina waxay wadaa weerarada dhiiga badan ku daatay ee ka dhanka ah saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo dadka rayidka ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*