Wasiirka amniga Puntland ee baxsadka ah oo gaaray magaalada Kismaayo

Cabdirashiid Janan oo maxkamad ka soo muuqday 2019. [Sawir Hore]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Wasiirka amniga Puntland ee baxsadka ah Cabdirashiid Xasan Nuur oo loo yaqaan Janan ayaa maanta oo Jimce ah gaaray magaalada Kismaayo, sida uu tabiyay taleefishinka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Waxa uu halkaas ku tagay dooni, Jubaland TV ayaa intaas ku daray, isagoo aan bixin faahfaahin dheeri ah.

Cabdirashiid Janan ayaa ku jiray xabsi kuyaala Muqdisho tan iyo bishii September 2019, kahor inta uusan baxsan Talaadadii lasoo dhaafay, sida ay sheegeen booliiska Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedaysay in uu galay dambiyo culus oo ka dhacay gobolka Gedo, halkaas oo uu ka soo jeedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*