Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo magaalada Gaalkacyo kulamo kula yeeshay masuuliyiinta iyo waxgaradka gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug

Wasiir Juxa oo kulan la qaatay masuuliyiinta iyo waxgaradka gobolka Mudug ee labada maamul Puntland iyo Galmudug. [Sawirka: Puntland Mirror]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa oo shalay oo Arbaco ahayd yimid magaalada Gaalkacyo ee gobolka ayaa kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiinta iyo waxgaradka gobolka Mudug ee labada maamul Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka ayaa dhinacyada uu la kulmay kala hadlay sidii xal waara looga gaari lahaa colaada soo noqnoqota ee gobolka Mudug.

Wasiir Juxa iyo dhinacayada uu la kulmayee labada maamul Puntland iyo Galmudug ayaa isku afgartay in laga wada shaqeeyo ammaanka iyo horumarka gobolka.

Cabdi Faarax Juxa ayaa sidoo kale ka qeybgalay munaasabad ay heshiis ku kala saxiixdeen labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, heshiiskaas oo ku saabsan sidii looga wada shaqeyn lahaa xasiloonida gobolka Mudug ayaa labada dhinac dhawaan ku gaareen magaalada Gaalkacyo.

Wasiir Juxa oo ka qeybgalay munaasabad ay heshiis ku kala saxiixdeen labada maamul ee Puntland iyo Galmudug. [Sawirka: Puntland Mirror]

Wasiir Juxa oo safarkiisii ugu horeeyay Puntland ku maraya tan iyo markii loo magacaabay wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa la filayaa beri oo Jimce ah in uu soo gaaro caasimada Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*