Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyadda 2021

Xildhibaanada oo u gacantaagaya miisaaniyadda 2021. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2021, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Miisaaniyadda 2021, taasoo ay xildhibaanadu ansixiyeen, ayaa lagu qiyaasayaa $671.8 milyan, oo wax yar ka badan tii 2020 oo ahayd $646.9 milyan.

Ku dhawaad $260 milyan oo kamid ah miisaaniyadda 2021 ayaa laga filayaa in ay kasoo xerooto dakhliga gudaha, sida ay sheegtay wasaaradda maaliyadu.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*