Madaxweynaha Puntland oo sheegay in isbadalo amni laga sameyn doono magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in isbadalo amni laga sameyn doono magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Madaxweynaha oo khudbad xalay ka jeedinayay barnaamij loo bixiyay La Hadalka Dadweynaha ayaa yiri: “magaalada Gaalkacyo waxaan rajeynaynaa dhawaan in isbadal dhinaca amniga ah laga sameyn doono taliyaha cusub ee qeybta marka uu tago iyo ciidamo dheeri ah oo halkaas loo diri doono waxaan rajeynaynaa in ay xasilin doonaan magaalada amnigeeda kala dambeynteedana soo celin doonaan.”

Waxa uu ku sii daray: “sidoo kale magaalada Garoowe waxaa ka socda isbadal amni oo xoogle iyo baaritaano waxaa lagu daba jiraa shabakadii ka dambeysay dilkii guddoomiyihii gobolka.”

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in magaalada Boosaaso loo qeybin doono afar xaafadood oo hoostagi doonta duqa degmada si ay u fududaato sugista amniga magaalada, oo ah xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa dadweynaha ka codsaday in ay dowladda ka gacan siiyaan ilaalinta ammaanka iyo horumarka kale ee dalka ka socda, ayna ka feejignaadaan wararka beenta ah ay faafiyaan cadowga Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*