Wasaarada warfaafinta dowlada Puntland oo qaadacday guddiga saxaafada Soomaaliya

Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka warfaafinta dowlada Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa sheegay in Puntland ay kasoo horjeedo guddiga saxaafada Soomaaliya oo Khamiistii golaha wasiirada ay ku ansixiyeen magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta dowlada Puntland ayaa sheegay in ay qaadaceen guddigaas isagoo sheegay in xubintii Puntland u soo dooratay booskan aan la gelin balse la gashay qof kale oo aysan Puntland soo dooran.

“Gabi ahaanba waan qaadacnay Guddigaasi, sababtoo ah qofbaan qoranay anaga xubintayadii dabadeedna waxaa dhacday qofkii aan qoranay qof aanan aheyn ayaa la geliyay Booskii, qof aanan matalin Puntland, sidaasi awgeed waan ka soo horjeednaa Guddigaasi.” ayuu yiri wasiir Soocade oo Saxaafadda la hadlay.

Guddiga ayaa golaha wasiirada dowlada federaalka Soomaaliya waxaa horgeeyay wasiirka warfaafinta dowlada federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, waxaana golaha wasiirada ay si rasmiya ku ansixiyeen guddigaas.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*