Shirka maalgashiga Puntland oo ka furmay Garoowe

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay shirka maalgashiga. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shirka maalgashiga Puntland ayaa maanta oo Axad ah ka furmay caasimada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo khudbad dheer ka jeediyay shirka ayaa sheegay in dowladiisu ay soo dhaweynayso cid walba oo maalgashi ka sameynaysa deegaanada Puntland.

“Saddex meelood meel dhulka Soomaaliya ku fadhido Puntland buu kuyaalaa, xeebta Soomaaliya leedahay boqolkiiba konton Puntland baa leh, dhul aad u qurxoon oo dihan weeye, waxaan rajaynayaa maalgashadayaashu in ay ku soo dhiiradaan oo yimaadaan,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay u fududeyn doonaan maalgashadayaasha wax walba oo ay u baahanyihiin.

“Waxaan balanqaadaynaa wax kasta oo shuruuc u fududeyn karta maalgashadayaasha in aan u fududeyno, waxaan balanqaadynaa in aan difaacno maalgashigooda.”

Shirka oo socon doona muddo saddex beri ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay maalgashadayaal ka socda dalka iyo dibadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*