Hal qof oo ku dhintay diyaarad yar oo ku burburtay dhulka Rift Valley ee dalka Kenya

kenya-plane-crash
Burburka diyaarada. Sawirka: Twitter.

Nairobi-(Puntland Mirror) Sarkaal booliis oo Kenyaati ah ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay shan kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii diyaarad ay ku burburtay meel u dhow garoon diyaaradeed kuyaala Rift Valley.

Taliyaha oo lagu magacaabo Titus Munyoki ayaa sheegay maanta oo khamiis ah in diyaarada yar oo ay lahayd beer boos celis ah oo kutaala Naivasha ay burburtay kadib markii ay kacday.

Naivasha ayaa ah magaalo 89km dhanka waqooyiga-bari kaga beegan caasimada Kenya ee Nairobi.

Taliye Munyoki ayaa sheegay in aysan cadayn sababta keentay burburka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*