Shaqaale katirsan haayada ICRC oo lagu afduubtay Muqdisho

Shaqaale katirsan haayada ICRC oo lagu afduubtay Muqdisho. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Kalkaaliso Jarmal ah oo la shaqeysa haayada ICRC ayaa lagu afduubtay gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay sheegtay haayadu.

Niman hubeysan ayaa Sonja Nientiet ka afduubtay xarunta ICRC ee Muqdisho shalay oo Arbaco ahayd.

“Aad ayaan uga walaacnay bad qabka saaxiibadeen,” sidaa waxaa bayaan ku yiri Daniel O’Malley, ku xigeenka madaxa ICRC ee Soomaaliya.

Nientiet, taasoo la shaqeynaysay ICRC tan iyo sanadkii 2014, ayaa timid Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkan. Waxayna tababar ku saabsan gargaarka deg dega ah siinaysay shaqaalaha Soomaalida ah asbuucaan.

Kani waa weerarkii labaad oo ka dhan ah shaqaalaha ICRC ee Soomaaliya. 25-kii Maarso ee sanadkan qarax loogu xiray gaarigiisa ayaa dilay Cabdulxaafid Yuusuf.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa wada ugaarsi. Lama yaqaan cida ka dambeysa afduubashada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*