Tirada dadka ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho oo gaartay 13 qof

Dad sida dad ku dhaawacmay qarax Muqdisho. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada dadka ku dhintay labo qarax oo maanta oo Sabti ah ka dhacay Muqdisho ayaa gaartay 13 qof, sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda.

Dadka ku dhintay qaraxyada ayaa ahaa shacab, askar iyo suxufi. Inka badan 17 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay.

Kooxda Al-Shabaab, oo mar walba qaada qaraxyada Muqdisho, ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadii maanta, sida ay tabisay idaacadeeda, Radio Andalus.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxyada.

“Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Jannadiisa ku manneysto dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee kooxda arxan laawayaasha ah ku beegsadeen qaraxyadan, intii dhaawacyadu gaareena iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in uu siiyo caafimaad degdeg ah.” Ayuu ku yiri bayaan kasoo baxay xafiiska madaxtooyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*