Madaxweyne Deni oo xarunta madaxtooyada ku qaabilay madaxweynihii hore Puntland

Madaxweyne Deni oo xafiiska madaxtooyada ku soo dhaweynaya madaxweynihii isaga ka horeeyay. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah xarunta madaxtooyada ku qaabilay madaxweynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali.

Hoggaamiyaha hore ayaa Garoowe dib ugu soo noqday kadib muddo sanad ku dhow oo uu maqnaa markii looga adkaaday doorashadii madaxtinimada Puntland ee bishii Janaayo 2019.

Sida ilowareedyo katirsan dowladda ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror, waxa uu ka qeybgali doonaa shirka soo socda ee wadatashiga Puntland oo madaxweynaha xilka haya uu iclaamiyay bishii hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*