Khabiirka madaxa banaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaalada bini’aadanimada Soomaaliya oo sheegay in si deg deg ah loo sii daayo dhammaan caruurta askar ahaanta loo qortay

Khabiirka madaxa banana ee xaalada bini’aadanimada Soomaaliya Bahame Tom Mukirya Nyanduga. [Xigashada Sawirka: UN News]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Khabiirka madaxa banaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaalada bini’aadanimada Soomaaliya Bahame Tom Mukirya Nyanduga ayaa sheegay in si deg deg ah loo sii daayo dhammaan caruurta askar ahaanta loo qortay ee gudaha Soomaaliya.

“Afduubashada caruurta ee ururka Al-Shabaab si ay askar ugu qortaan iyo adeegsiga dowladda ee ciidanka waxay xad gudub ku tahay xquuuqda caruurta,” khabiirka ayaa sidaa bayaan ku yiri.

Mudane Nyanduga ayaa ammaanay xukuumadda tallaabooyin loo qaaday si loo dayactiro carruurta lagu qabtay dagaalka, iyo in la aqoonsado in carruurtan oo kale ay ahaayeen dhibbanayaal, laakiin waxa uu ku boorriyay masuuliyiintadowladda  in ay hadda tallaabo ka qaadaan si loo joojiyo carruurta loo isticmaalo dagaalka. Khabiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay xukuumadda in ay dhisto xarumo dhaqan celin si wax looga qabto dhibaatada carruurta ee lala xiriirinayo Al-Shabaab.

Horaantii sanadkan, ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday iskuul ay maamusho Al-Shabaab oo ku yaalay gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna soo badbaadiyeen 32 caruur ah kuwaasoo ay haysteen maleeshiyada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*