Qarax ismiidaamin ah oo afar askari ku dilay magaalada Gaalkacyo

Qarax ismiidaamin ah oo afar askari ku dilay magaalada Gaalkacyo. [Sawirka]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay xarun ciidan oo kutaala magaalada Gaalkacyo maanta oo Sabti ah, waxaana uu dilay afar askari, sida ay sheegeen masuuliyiin.

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ahaa sargaal ciidan iyo labo korneyl, sida ay sheegtay wakaalada wararka Reuters oo soo xigatay masuuliyiin jooga magaalada Gaalkacyo.

Xerada ayaa xarun u ahayd ciidan isku dhaf ah oo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay kororto, sida uu Reuters u sheegay Cabdirixmaan Xaaji oo katirsan ciidanka booliiska.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, afhayeenka howlgalada ee Al-Shabaab, Cabdicasiis Abu Muscab ayaa Reuters u sheegay in shan qof ay ku dileen weerarka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*