Saddex xubnood oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyntii ugu horeysay oo Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya sanadka 2021

Goobta duqeynta lala beegsaday. [Isha Sawirka: AFRICOM]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Saddex xubnood oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn Mareykanku la beegsaday xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Weerarka oo dhacay Jimcadii ayaa sidoo kale lagu dhaawacay hal xubin oo Al-Shabaab ah, waxaana lagu burburiyay ilaa lix xarumood oo maleeshiyadu lahayd, war-saxaafadeedka AFRICOM ayaa intaas ku daray.

Weerarka ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee Mareykanku uu ka fuliyo Soomaaliya sanadka cusub ee 2021.

About Abdi Omar Bile 738 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*