Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay lix nin oo ay ku eedeeyeen basaasnimo

Maleeshiyo Al-Shabaab ah. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa toogasho ku fulisay lix nin oo ay ku eedeeyeen in ay basaas u ahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mareykanka iyo Kenya, sida ay ku warantay warbaahinta Al-Shabaab maanta oo Talaado ah.

Toogashada ayaa ka dhacday fagaare kuyaala magaalada ay maleeshiyada Al-Shabaab heysato ee Buu’aale oo kutaala gobolka Jubbada Dhexe.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Al-Shabaab fuliso dilka dad ay ku eedaysay basaasnimo. Maleeshiyada ayaa horey toogasho sidaan oo kale dad ugu fulisay iyagoo aan soo bandhigin wax cadayn ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*