Haayada IMF oo sheegtay in dakhliga wax-soosaarka Soomaaliya uu hoos u dhici doono 2.7 boqolkiiba inta lagu jiro 2017

Gaari sida moos uu ka keenay beero kuyaala magaalada Afgooye kuna sii wada caasimada Muqdisho. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa la filayaa in sanadkan uu si adag hoos ugu dhaco iyadoo abaari ay ku dhufatay wax soo-saarka beeraha, sidoo kale saameyntu waxa ay si lamid ah u saameyn doontaa dhismaha iyo isgaarsiinta, sida ay sheegtay haayada maaliyada ee IMF.

Bayaan ay soo saartay gelinkii dambe shalay oo Arbaco ahayd, IMF ayaa rajeynaysa in dakhliga wax-soosaarka wadanka  (GDP) uu siyaadi doono 2.5 boqolkiiba inta lagu jiro sanadkan 2017-ka halka sanadkii lasoo dhaafay ee 2016-ka lagu qiyaasay 3.4 boqolkiiba.

“Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa la filayaa in ay si joogto ah u sii socdaan dhaaalaha deeqbixiyeyaasha, lacagaha la isku diro ee xawilaadaha iyo maalgelinta ajaaniibta,” ayay bayaanka ku sheegtay IMF.

“Hoos u dhaca koritaanka ayaa saameynta ugu weyn taabanaysaa beeraha oo ay ku dhufatay abaar, taasoo sidoo kale saameyn doonta howlaha dhismaha, isgaarsiinta iyo adeega.” Ayay sheegtay IMF.

IMF ayaa rajeynaysa in sicir bararku uu gaaro 2.7 boqolkiiba inta lagu guda jiro sanadkan, iyadoo sanadkii hore ee 2016-ka uu ahaa 1.5 boqolkiiba.

Tan iyo sanadkii 1991-dii Soomaaliya ayaan lahayn dowlad ay haayadaheedu shaqeeyaan, dalka ayaa ku jiray dagaal sokeeye. Sanadihii u dambeeyay Soomaaliya waxaa curyaamiyay dagaalada maleeshiyada Al-Shabaab, abaaro iyo burcad-badeed.

Arbacadii shalay, baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u doortay madaxweynaha cusub ee dalka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*