Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ay AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buulomareer

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ay AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buulomareer. [Sawirka]
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa muddo saacado ah la dagaalamaysay ciidanka Midowga Afrika kadib markii ay gaari ku qarxiyeen banaanka hore ee saldhig ay ciidamada leeyihiin, sida ay sheegeen ilo-wareedyo kala duwan.

Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buulomareer, oo qiyaastii 130 km dhanka waqooyiga galbeed ka xiga caasimada Muqdisho, saakay saacadu markii ay ahayd 9-kii subaxnimo ee wakhtiga Soomaaliya, sida dadka deegaanka ay u sheegeen wakaalada wararka Reuters.

Maleeshiayada ayaa markii ugu horeysay labo gaari ku qarxisay saldhiga kaasoo mid kamid ah uu ku dhacay gaari ay leeyihiin AMISOM iyo mid ay leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, sida Faarax Cusmaan oo ah sargaal katirsan ciidamada Soomaaliya oo halkaas saldhig ku leh uu u sheegay Reuters.

“Kadib tiro badan oo dagaalyahano Al-Shabaab ah ayaa bilaabay in rasaas kasoo ridaan dhirta hoosteeda… dagaal daran ayuu ahaa, “ ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in ay jiraan khasaare aan la aqoon.

Cabdicasiis Abu Muscab, afhayeenka howlgalada milatariga ee Al-Shabaab ayaa Reuters u sheegay in 14 dagaalyahan oo katirsan maleeshiyadooda iyo 59 ciidamada AMISOM ah ay ku dhinteen weerarka.

Sargaal katirsan ciidamada Soomaaliya oo deris la ahaa kuwa AMISOM ayaa Reuters u sheegay in labo qarax ay ku qarxiyeen banaanka saldhiga kahor inta aysan dagaalyahanada Al-Shabaab gudaha u galin.

Taliyaha ayaa Reuters u sheegay in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Sabtidii weerar ku qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada miyiga ah ee saldhiga u dhow, kadibna Al-Shabaab ay saakay weerar aargoosi ah kusoo qaadeen saldhiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*