Saaxiibada Soomaaliya oo ku baaqay is-faham siyaasadeed oo lagu xaqiijiyo in doorashooyinku ay wakhtigooda ku qabsoomaan

War-saxaafadeed.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Saaxiibada Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay arrimihii ugu dambeeyay ee siyasadda oo dhawaan ka dhacay Soomaaliya oo ay kamidtahay arrintii baarlamaanka Dowladda Federaalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed soo baxay maanta oo Talaado ah.

“Saaxiibada Soomaaliya* ee beesha caalamka waxay muujinayaan walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan in arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka, aanay wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo aanay carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuuri doonin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Saaxiibada Soomaaliya ayaa ku baaqay in loo sameeyo wadatashiyo loo dhanyahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020ka

“Saaxiibadu waxay si joogto ah ugu baaqeen wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020ka. Taasi waa sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo gaaro yoolkaas.”

Sidoo kale saaxiibada Soomaaliya ayaa sheegay in isku day kasta oo ka yimaada hal dhinac inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho uu noqon doono mid aan sharciyad lahayn.

“Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda. In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambayn war-saxaafadeedka ayaa lugu yiri: “Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii  Dhuusamareeb.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*