Ku Xigeenka Xoghayaha Waaxda Difaaca Mareykanka oo xoojiyay in Mareykanku uu Soomaaliyo ka taageerayo la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish

Sawirka: (Midig) Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, (Bidix) Ku Xigeenka Xoghayaha Waaxda Difaaca Mareykanka Pat Shanahan.

Washington-(Puntland Mirror) Kulan ka dhacay Waaxda Difaaca Mareykanka oo dhexmaray Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Ku Xigeenka Xoghayaha Waaxda Difaaca Mareykanka Pat Shanahan ayaa lagu adkeeyay taagerada buuxda ee Mareykanka ka geysanayo la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish, sida ay sheegtay afhayeen u hadlay Waaxda Difaaca Mareykanka.

Bayaan kasoo baxay kulanka, ayaa afhayeenka oo la dhaho Sarah Higgins sheegtay in Ku Xigeenka Xoghayaha Waaxda Difaaca Mareykanka Pat Shanahan isidoo kale uu sheegay in Mareykanku ay taageero siin doonaan dowladda Soomaaliya si looga adkaado kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Ku Xigeenka Xoghayaha Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa saaxiibada caalamka ku dhiirigeliyay in ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya si loo helo xasilooni dheer oo ka hirgasha gudaha Soomaaliya.

Raysulwasaaraha Soomaaliya ayaa asbuucii horey tagay dalka Mareykanka si uu uga qeybgalo shir weynaha Golaha Qaramada Midoobay halkaas oo uu khudbad kasoo jeediyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*