Tirada Dhimashada dab ka qarxay Garoowe oo gaartay saddex qof

Dabkii ka qarxay garoowe shalay oo Talaado ahayd. [Xigashada sawirka: Facbook/adansureyste]
Garoowe-(Puntland Mirror) Tirada Dhimashada dab ka qarxay Garoowe ayaa gaartay saddex qof, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad.

Saraakiisha caafimaadka ee ku suagan isbitaalka guud ee Garoowe ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in saddex qof ay ku geeriyoodeen dabka. Qofkii ugu dambeeyay oo ahaa nin ayaa  subaxnimadii hore maanta oo Arbaco ah ku dhintay isbitaalka.

Ilaa shan qof oo kale oo ku dhaawacmay dabka ayaa lagu daaweynayaa isbitaalka.

Dabka ayaa burburshay kaalimo shidaal iyo meherado kuyaala xaafada Horseed ee magaalada Garoowe.

Waxa uu ahaa dabkii ugu dhimashada badnaa taariikhda Garoowe. Lama oga weli sababta keentay dabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*