Xoghayaha Qaramada Midoobay oo sheegay in Soomaaliya ay sameynayso horumar balse ay waajib tahay la dagaalanka xagjirnimada

Antonio Guterres. [Isha Sawirka: Getty Images]
New York-(Puntland Mirror) Soomaaliya waxa ay sameynaysaa horumar ku aadan dhismaha dowlad shaqeynaysa balse weli waxaa waajib ah la dagaalanka dhibaabatada xagjirnimada, argagixisada, colaadaha hubeysan, xasilooni darada siyaasadeed iyo musuqmaasuqa, sidaa waxaa warbixin ku sheegay hoggaamiyaha Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa warbixinta ku sheegay Isniintii taasoo loo qeybiyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay in caqabadahaan ay cadeyn u yihiin in ay wiiqmi karaan horumarka la gaaray ilaa iyo hadda ayna khatar gelin karto hor u socoshada.

Guterres waxa uu sheegay in xaalada amni ay ahayd mid aan deganayn intii u dhaxeysay bartamihii December ilaa horaanta bishaan May.

Maleeshiyada Al-Shabaab waxay sii wadaa weerarada waxshinimada ah ee ka dhanka ah xarumaha dowladda, masuuliyiinta dowladda iyo ciidamada ammaanka, ayuu sheegay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*