Roobab ka da’ay qaybo kamid ah gobolada Puntland

Roobab ka da’ay qaybo kamid ah gobolada Puntland. [Xigashada Sawirka: Facebook/ Jama Deperani]
Roobab ka da’ay qaybo kamid ah gobolada Puntland. [Xigashada Sawirka: Facebook/ Jama Deperani]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Roobab fiican ayaa ka da’ay qaybo kamid ah gobolada Puntland ee Soomaaliya intii lagu guda jiray 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Sida ay dadka deegaanku sheegeen, roobka ayaa ka da’ay qaybo kamid ah gobolada Sanaag, Bari iyo Karkaar.

Meelaha uu ka da’ay ayaa waxaa kamid ah Ceelbuh, iyo Hadaaftimo oo katirsan gobolka Sanaag, sidoo kale waxa uu ka da’ay deegaano hoostaga degmada Qandala ee gobolka Bari iyo deegaano katirsan gobolka Karkaar gaar ahaan degmada Waaciye.

Xilli roobaadka Guga ayaa la filayaa dhawaan in uu dalka ka curto, Guga ayaa sida caadiga ah da’a bilaha April iyo May.

Roobka ayaa imaanaya iyadoo Soomaaliya oo dhan ay ku dhufatay abaar aad u daran oo ay ku dhinteen dad iyo duunyo badan.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*