Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya oo sheegay in dhawaan la daabici doono lacag adag oo rasmi ah

Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya oo sheegay in dhawaan la daabici doono lacag adag oo rasmi ah. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya oo sheegay in dhawaan la daabici doono lacag adag oo rasmi ah. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa qorsheynaysa daabacaada lacago adag oo rasmi ah inta lagu guda jiro sanadkan markii ugu horeysay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe 1991-dii.

Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo wareysi gaar ah siiyay idaacada VOA-da shalay oo Sabti ahayd waxa uu sheegay in dhammaan howlihii farsamo ee diyaarinta la dhammeeyay, ayna dowladdu ku kalsoontahay in ay awoodu uruurinta lacagaha muddo saddex bilood ah si loo fuliyo barnaamijka daabacaada. Shaqada dheeriga ahna ay qaadan doonto afar bilood oo kale.

Mar la weydiiyay haddii Sooomaaliya ay daabacayso ayna uruurinayso lacagaha inta lagu guda jiro sanadkan 2017-ka, Bashiir ayaa ku jawaabay: “Haa dhab ahaantii.” Waxa uu balanqaaday in lacagta cusub ee adag ay ahaan doonto mid wanaagsan oo lagu kalsoonaan karo ammaankeeda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in haayado caalami ah sida Bangiga Aduunka iyo haayada caalamiga ah ee maaliyada IMF, iyo sidoo kale Khasnada Mareykanka, ay ka caawin doonaan Soomaaliya dib u habaynta nidamkeeda maaliyadeed ayna tababari doonaan shaqaalaha bangiga dhexe.

Bashiir ayaa sheegay in dowladda ay u baahantahay $60 milyan si loo bilaabo daabacaada lacagta, waxaana uu sheegay in qayb kamid ah lacagtaas ay ka fili doonaan in ay ka caawiyaan deeq bixiyeyaasha caalamiga ah.

Intii lagu guda jiray burburka Soomaaliya ayaan lahayn lacag rasmi ah iyadoo suuqa ay ku jirto lacago aan rasmi ahayn oo aysan dowladda dhexe daabicin.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*