Tirada dhimashada ka dhalatay qaraxii gaari ee ka dhacay Muqdisho oo gaartay 10 qof

Tirada dhimashada ka dhalatay qaraxii gaari ee Muqdisho oo gaartay 10 qof. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Tirada dhimashada ka dhalatay qaraxii gaari ee Muqdisho oo gaartay 10 qof. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada dhimashada ka dhalatay qarax gaari oo shalay oo Talaado ahayd lagu qarxiyay bar-kantarool ciidan oo kuyaala meel u dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee gudaha Muqdisho ayaa gaartay ilaa 10 qof, sida ilo-wareedyo caafimaad ay sheegeen.

Labaatan qof oo kale, oo ay kamidyihiin askar iyo dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarkii shalay, sida saraakiil caafimaad oo joogta Muqdisho ay khadka taleefoonka ugu sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Intooda badan dadka ku geeriyooday weerarka ayaa la sheegay in ay ahaayeen dad shacab ah. Ugu yaraan shan katirsan ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale lagu dilay weerarkii dhacay shalay oo Talaado ahayd, sida ilio-wareedyadu sheegeen.

Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas dhacay shalay, sida ay ku sheegeen bayaan ay ka sii daayeen idaacadooda  Radio Andalus.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*