Tirada dhimashada weerarkii huteel Dayax ee gudaha Muqdisho oo gaartay 28 qof

Tirada dhimashada weerarkii huteel Dayax ee gudaha Muqdisho oo gaartay 28 qof [Xigashada Sawirka: Al Jazeera]
Tirada dhimashada weerarkii huteel Dayax ee gudaha Muqdisho oo gaartay 28 qof [Xigashada Sawirka: Al Jazeera]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada dhimashada weerar is-miidaamin ahaa oo ka dhacay huteelka Dayax ee kuyaala gudaha magaalada Muqdisho ayaa korodhay iyada oo gaartay 28 qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Qaraxa ayaa dhacay subaxnimadii Arbacadii shalay kadib markii gaari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxshay lagu qarxiyay ganjeelka banaanka huteelka, dablay qoryo ku hubaysnaa ayaa sidoo kale gudaha u galay huteelka, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

“Waxaanu xaqiijinay in 28 qof ay ku dhinteen qaraxa,” Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, oo ah agaasimaha baabuurta gurmadka deg dega ah ee Muqdisho ayaa sidaa u sheegay laanta Af-Soomaaliga ee BBC.

Intooda badan dadka lagu dilay weerarka ayaa lagu soo waramay in ay ahaayeen dad shacab ah. Ugu yaraan shan ciidamada ammaanka kamid ah ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka.

Huteel Dayax ayaa ah mid ay badanaa adeegsadaan saraakiisha dowladda iyo xildhibaanada.

Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas, sida ay ku sheegeen warbaahintooda ugu weyn ee Radio Andalus.

Bartamihii sanadkii 2011-ka, Al-Shabaab ayaa dibada looga tuuray Muqdisho, balse maleeshiyada ayaa qaadaysa weeraro dhimasho leh oo ka dhan ah saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo meelaha ay bulshadu isugu timaado sida huteelada iyo makhaayadaha.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*