Raysulwasaare Khayre oo saaxiibada Soomaaliya kula taliyay in taageeradooda ay u weeciyaan la dagaalanka COVID-19

Kulanka mareegta internetka ku dhexmaray Raysulwasaare Khayre iyo saaxiibada Soomaaliya. [Isha Sawirka: Xafiiska Raysulwasaaraha]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Talaado ah mareegta internet-ka shir kula yeeshay saaxiibada Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada uu marayo xanuunka coronavirus gudaha Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Raysulwasaaraha.

Xasan Cali Khayre ayaa saaxiibada Soomaaliya u sheegay in taageeradooda ay u weeciyaan dadaalada dalku uu kula dagaalamayo COVID-19.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta kulanka qaybta ka ahaa ku war geliyay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Raysulwasaaraha ayaa u sheegay saaxiibada in la joogo xilligii caawinta baahida ugu badan loo qabay, ayna muhiim tahay in sida ugu dhaqsaha badan dowlad gobaleedyada dalka looga dhiso min hal Isbitaal oo awood u leh la tacaaliida bukaannada uu haleelo COVID-19.

Iyadoo maanta ay tahay Talaado, tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee laga helay gudaha Soomaaliya waa 237, sideed dhimasho ah, iyo labo qof oo ka bogsaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*