Soomaaliya oo kaalinta labaad kaga jirta tirada dhimashada COVID-19 ee Geeska Afrika

Baarista coronavirus.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada dhimashada coronavirus ee Soomaaliya ayaa gaartay sideed qof, taasoo ka dhigaysa dalka labaad ee ugu dhimashada badan Geeska Afrika, sida ku cad xogta Haayada Caafimaadka Adduunka ee WHO.

49 kiis oo cusub oo coronavirus ah ayaa laga helay Soomaaliya, sida ay xalay war-saxaafadeed ku sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Puntland ayaa sheegtay in hal qof oo ku jiray xarun karantiil oo kutaala Garoowe uu dhintay, isaga oo dhawaan xanuunka coronavirus laga baaray balse jawaabta la dhowrayo.

Iyadoo maanta ay tahay Khamiis, tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee laga helay gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 286, sideed dhimasho ah, iyo 10 qof oo ka bogsaday.

Soomaaliya oo kiiskeedii ugu horeeyay ee COVID-19 heshay 16-kii Maarso ayaa xanuunku si tar-tartiib ah ugu fidayaa dalka, oo nidaamkiisa caafimaad uu aad u liito kadib sannooyin bur-bur iyo colaado ah.

Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shalay mareegta internet-ka shir kula yeeshay saaxiibada Soomaaliya, u sheegay in taageeradooda ay u weeciyaan dadaalada dalku uu kula dagaalamayo COVID-19.

Tirada dhimashada Geeska Afrika ayaa ah sidan:

Kenya: 14 qof

Soomaaliya: 8 qof

Itoobiya: 3 qof

Jabuuti: 2 qof

Halka, Uganda iyo Eritrea uusan jirin wax dhimasho ah oo coronavirus uu sababay, sida ay muujinyaso xogta WHO.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*