Haayada GIZ oo beenisay in la musuq-maasuqay mashruuca dib loogu dayactirayo wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo

Madaxa mashaariicda haayada GIZ u qaabilsan Soomaaliya Christoph Schmidt oo shalay galab oo Axad ahayd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. [Sawirka: Puntland Post]
Madaxa mashaariicda haayada GIZ u qaabilsan Soomaaliya Christoph Schmidt oo shalay galab oo Axad ahayd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. [Xuquuqda Sawirka: Puntland Post]
Garoowe-(Puntland Mirror) Haayada iskaashiga caalamiga ah ee Jarmalka GIZ oo wakiil uga ah wadamada Midowga Yurub mashruuca dib loogu dayactirayo wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa kasoo horjeesatay musuq-maasuq la sheegay in mashruuca lagu sameeyay.

Madaxa mashaariicda haayada GIZ u qaabilsan Soomaaliya Christoph Schmidt oo shalay galab oo Axad ahayd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa sheegay in aysan jirin wax musuq ah oo lagu sameeyay mashruuca.

“Hawsha wado dhisida wadada waxaa wakiil ka ah haayada wadooyinka Puntland ee PHA, taasoo si joogta ah ula shaqaysa haayada GIZ, waxaan cadaynayaa goobjoogna aan ka ahayn in si waafaqsan shuruucda Puntland iyo kan caalamiga ah loo maray markii la bandhigayay qandaraaska, waana ku qanacsanahay habka wanaagsan ee loo maray,” ayuu yiri Christoph Schmidt.

“Wallow aan la go’aamin cidda qandaraaska ku guulaysatay, waxaan hubaa in uusan jirin wax musuq-maasuq ah oo jira , taasna waxaa cadeeyay baaritaan dib u eegis ah oo aan samaynay anaga iyo haayada wadooyinka PHA,” ayuu ku daray madaxa mashaariicda haayada GIZ u qaabilsan Soomaaliya.

Christoph Schmidt ayaa sheegay in ay jiraan heshiis ay deeq bixiyeyaasha ku gaareen in wixii dayactir ah sida kaabayaasha dhaqaalaha la siiyo shirkadaha maxaliga ah si shirkadahaas ay fursado ugu helaan in ay baaxadooda balaarato kadibna ay awood u yeeshaan in ay dalkooda uga faa’ideeyaan.

Jawaabta katimid haayada GIZ ayaa imaanaysa asbuuc kadib markii warbaahinta Online-ka ee Puntland ay daabaceen in la musuq-maasuqay mashruuca dib loogu dayactirayo wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Ilaa iyo afar shirkadood oo maxali ah ayaa isugu soo haray tartanka qandaraaska mashruuca, iyadoo dhawaan la filayo in lagu dhawaaqo shirkada ku guulaysatay mashruuca ay malaayiinta dollar ku baxayso.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*