Howlgal amniga lagu xoojinayo oo ka bilaabmay magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso. [sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland ee ku sugan magaalada Boosaaso ayaa bilaabay howlgal lagu xoojinayo amniga, xilli magaalada ay ka dhaceen dilal qorsheysan.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays oo loo yaqaan Dhedo oo maanta oo Axad ah warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalku uu socdo.

Dhedo ayaa dad weynaha uga digay isticmaalka bacaha madow ee gawaarida lagu xirto, kuwaasoo oo uu sheegay in ay ku dhuuntaan kooxaha dambiyada geysta.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgalada ay ku qabteen xubno katirsan Al-Shabaab iyo Daacish kuwaasoo looga shaki qabo in ay gacan ku lahaayeen dilalkii magaalada ka dhacay dhawaanahaan.

“Waxaanu haynaa imminka shan nin oo Al-Shabaab ah iyo afar nin oo Daacish ah, kuwaasoo qirsan in ay qeyb ku lahaayeen dilalkii dhawaan dhacay, waxaan heynaa cadeymo nagu filan balse ka hor dhici mayo oo maxkamada baan u gudbin doonaa,” ayuu yiri.

Howlgalka ayaa imaanaya iyada oo bilihii u dambeeyay magaalada ay ka dhaceen dilal ka dhan ah ganacsatada ku sugan xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilalkaas, balse maleeshiyooyinka sida Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ka howlgala gobolka.

Labada maleeshiyo ayaa canshuur ku rogay ganacsatada ku sugan magaalada, sida ilo lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*