Dowladda Soomaaliya oo sargaal hore oo katirsanaa ONLF u gacan gelisay Itoobiya

Cabdikariim Shiikh Muuse oo loo yaqaan Qalbi Dhagax. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa sargaal hore oo katirsanaa ONLF ku wareejisay Itoobiya, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha NISA Cabdullaahi Maxamed Sanbalooshe.

Asbuucii lasoo dhaafay, ciidamada NISA ayaa Cabdikariim Shiikh Muuse oo loo yaqaan Qalbi Dhagax ku qabtay gudaha magaalada Gaalkacyo waxayna u wareejiyeen magaalada Muqdisho kahor intaan gacanta loo gelin Itoobiya.

Bayaan ay soo saareen, Jabhadda Xoraynta Ogaadeen (ONLF) ayaa xaqiijisay in hoggaamiyahooda hore loo wareejiyay Itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*