Sargaal katirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo

Maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab. [Sawirka: AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Sargaal katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maanta oo Jimce ah isku dhiibay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo, sida ay sheegtay wakaalada wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA, oo soo xiganaysa sargaal ciidan.

Isaaq Xuseen Mursal, oo kamid ah saraakiisha ciidamada gobolka Gedo, ayaa SONNA u sheegay in sargaalka katirsan Al-Shabaab uu gacantiisa isugu soo dhiibay masuuliyiinta ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Isxaaq ayaa intaas ku daray, in sargaalka isa soo dhiibay la dhaho Cabdinuur Macalin Xasan, kaasoo watay qori AK-47 ah iyo lix baaskooladood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*